Talooyin Muhima
1. Cafi qof walba oo walaalka ah aad wax ka tabanayso ama wax kuu dhimay.
2. Alxamdulillaah dheh haddii ilaahay ku waafajiyey qodobkii 1aad
3. Hadaad cafisey qofkii wax ku yeelay waxaan filayaa inaadan qalbiga waxba ugu haynin kaan waxba ku yeelin.
4. Ha dhaafin qof kaa soo hor baxay adigoo aan salaamin hadaad taqaan iyo hadaadan aqoonba.
5. Qayb ka noqo dhismaha dalkeena iyo dadkeena oo caawi miskiinka, u gargaar dulmanaha, ka gargaar dambiilaha, ka shaqee bilicda waddanka oo ha yaraysan wax yar oo aad qabatay maalin bey wax weyn noqon doontaaye.
6. Ilaahay taladiisaan qaado:
(وَلَا تَهِنُوا۟ وَلَا تَحْزَنُوا۟ وَأَنتُمُ ٱلْأَعْلَوْنَ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ )
Ha is ihaanaynina hana murugoonina idinkaa ugu sareeya hadaad rumaysan tihiin Allihii idin abuurtay.
Adigaa ugu sareeya hadaad ilaahay talo saarsato, wadigaa helaaya waxaad jeceshahy (shaqo, sharaf, magac iyo maamuusba) hadaad ilaahay xarigiisa adkayso.
7. Dis aqoontaada, dis xirfadahaaga, dis aragtidaada, dis fikirkaaga, xir malaayacniga, xir madadaalada iyo waqti lumiska.





